Contact Info
Sida Loo Noqdo Bukaan ka Qaybqaata Xashiishadda Caafimaadka
Ilaa laga soo bilaabo 2015, Barnaamijka Xashiishada Caafimaadka ee Minnesota ayaa waxa ay siisay fursada daawaynta dadka ay soo food saareen xaalado caafimaad oo halis ah, iyaga oo ka caawinaya in ay horumariyaan tayada noloshooda. Boggan waxa uu ku siinayaa macluumaad ku saabsan sida loo noqdo bukaan ka qaybqaata barnaamijka.
Boggan waxaa ku jira
- Talaabada 1: Helitaanka shahaadaynta xaaladaada caafimaad
- Tallaabada 2: Sida la isugu diiwaangeliyo
- Talaabada 3: Iibsashada xashiishaddaada caafimaadka
Talaabada 1: Helitaanka shahaadaynta xaaladaada caafimaad
Kahor intaadan ka qaybqaadan barnaamijka, waa inaad xaaladaada caafimaadka uu ku xaqiijiyo/shahaadeeyo khadka internetka gudaha Diiwaanka Xashiishada Caafimaadka dhakhtar, kaaliyaha dhakhtarka, ama kalkaalisada shaqada sare ee diiwaan gashan oo shatiyeyn ka haysta Minnesota.
Talooyin loogu talagalay helitaanka dhakhtar caafimaad oo ka qayb qaadanaya:
- Weydiiso kooxdaada caafimaadka ama kooxaha dadka u dooda ee kugu metelaya xaaladaada.
- Ka raadi intarneedka, oo ay ku jiraan websaydyada ay leeyihiin kuwa sameeya xashiishada caafimaadka ee Minnesota.
XASUUSIN: OMC ma hayso ama ma wadaagto liiska dhakhaatiirta daryeelka caafimaadka ee ka qayb qaadanaya barnaamijka.
KAHOR intaadan tagin ballanta aad la leedahay dhaqtarkaaga caafimaadka, tixgeli inaad samaysato akoon email cusub oo shaqsiyeed (aan ahayn mid loo-shaqeeyaha ku xiran), haddi aanad hore u lahayn. Xafiiska Xashiishadda Caafimaadka ayaa wuxuu isticmaali doona ciwaanka emailkan si uu kuugu soo diro warar cusub iyo macluumaadka, oo ay ku jiraan link-ga diiwaangelintaada/arjigaaga.
Inta lagu jiro booqashadaada, sii ciwaankaaga emailka dhakhtarkaaga caafimaadka. Weydiiso soo koobitaanka ballanta iyo liiska daawooyinkaaga ee hadda. Tan u sii qaado booqashadaada ugu horreysa ee rugtaada qaybisa Xashiishada Caafimaadka.
Kadib marka uu dhakhtarkaagu caddeeyo/shahaadeeyo xaaladaada, waxaad heli doontaa email ka yimid Xafiiska Xashiishada Caafimaadka oo ay ku jiraan:
- Xaqiijinta/shahaadayinta xaaladaada ee uu caddaynayo dhakhtarkaaga caafimaadku.
- Link-gaaga diiwaan gelintaada ee gaarka kuu ah ee khadka internetka ee loogu talagalay Diiwaanka Xashiishada Caafimaadka.
Tallaabada 2: Sida la isugu diiwaangeliyo
Marka aad hesho emailka xaqiijinta/shahaadaynta, waxaad hadda diyaar u tahay inaad isdiiwaangeliso! Raac link-ga ku jira emailka si aad isudiiwaangeliso (ka eeg galka spam-ka ama galka junk-ga haddii aad ku arki waydo emailka sanduuqaaga caadiga ah).
Haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo maaraynta akoonkaaga diiwaanka xashiishadda caafimaadka ama soo qaadashada xashiishaddaada caafimaadka, waxaad wakhtigan akoonkaaga ku dari kartaa daryeele, waalid/masuul sharci ah, ama xaaskaaga/saygaaga.
KAHOR intaadan bilaabin diiwaangelintaada khadka internetka, soo ururso:
- Aqoonsi sawir LEH oo ay dawladu bixisay, shatiga darawalnimada ama baasaboor.
- Kamarada dhijitaalka ah ama taleefanka gacanta si aad u sawirato aqoonsigaaga.
- Aqoonsiga waalidka/masuulka ama xaaska/sayga iyo sertifikeetka dhalashada/shahaadada guurka, haddii ay jirto. In uuna bukaanku qaangaarin mooyaane, ku darida waalid/masuulka sharciga ah ama xaaska waa ikhtiyaari.
OGOOW: Khidmadda diiwaangalinta ee sanadlaha ah eel aga qaado bukaanka waa la joojiyey laga bilaabo bisha toddobaad1-deeda, 2023. Sababo la xiriira nidaamka gobolka, xafiiska Caafimaadka Xashiishada dib kuuma siin karo wixii khidmad oo aad bixisay ka hor taariikhdaan.
Arjigaaga isdiiwaangelinta ee dhammaystiran waxa dib u eegi doona shaqaalaha xafiiska xashiishada caafimaadka loo isticmaalo. Tani waxay qaadan kartaa ilaa 30 maalmood, waxaadna heli doontaa email isla marka codsigaaga la howlgeliyo. Shaqaalaha Xafiiska Xashiishadda Caafimaadka ayaa kugula soo xiriiri kara email haddii aan u baahanahay macluumaad dheeri ah.
XASUUSIN: Bukaanka ka diiwaan gashan barnaamijka xashiishada caafimaadka ee Minnesota waa in ay dib isu diiwaan galiyaan sanad walba hadii ay rabaan in ay sii wataan ka qaybqaadashada barnaamijka. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, ka fiiro Sida dib la isugu diiwaangeliyo Barnaamijka Xashiishada Caafimaadka.
Talaabada 3: Iibsashada xashiishaddaada caafimaadka
Marka diiwaangelintaada la ogolaado, waxaad geli kartaa akoonkaaga Diiwaanka Xashiishadda Caafimaadka oo waxaad ka soo qaadan kartaa qaybiyaha Xashiishadda Caafimaadka ee kuugu dhow. Fiiri Goobaha Qaybiya Daawada Xashiishada Caafimaadka.
Kahor intaadan tagin Xaruntaada Qabinta Xashiishada Caafimaadka:
- Soo buuxi oo ku soo dir Isqiimaynta Bukaanka khadka internetka (waxaa laga heli karaa akoonkaaga Diiwaanka Xashiishadda Caafimaadka). XASUUSIN: Daryeel bixiyaha diiwaangashan ayaa kuu buuxin kara Is-qiimaynta Bukaanka. Waa inaad buuxiso is-qiimaynta Bukaanka oo cusub mar kasta oo aad gadanayso xashiishadda caafimaadka.
- Qabso ballantaada.
XASUUSIN: Xafiiska Xashiishada Caafimaadku ma ansixiyo isqiimaynta Bukaanka mana qaybiyo isagu xashiishadda caafimaadka. Shaqaalaha Xarunta Xashiishada Caafimaadka ayaa ansixin doona Is-qiimaynta Bukaanka kahor ama wakhtiga qaadista.
Waxa ay tahay in aad la timaado:
- Aqoonsigaaga sawirka leh ee ay dawladdu bixisay (daryeelahaagu waa inuu kiisa soo qaato marka uu daawada soo qaadanayo).
- Liistada dawooyinka laguu qoray (ballanta ugu horraysay ama haddii daawooyinkaagu isbeddelaan).
- Soo koobida booqashada dhakhtarkaaga daryeelka caafimaadka ee kuu xaqiijiyey/shahaadeeyey xaaladaada ( balanta hore).
- Bixinta kharashka daawada. Ikhtiyaarka bixinta goobaha way ku kala duwanyihiin. Shirkadaha caymiska ma daboolaan kharashka daawada xashiishka.
Farmashiistaha jooga rugta Xashiishada Caafimaadka ayaa dib u eegi doona akoonkaaga oo ku talin doona daawada.