Faa'iidoyinka Nuujinta Illmaha (Benefits fo Breastfeeding)

Faa'iidoyinka Nuujinta Illmaha

Benefits of Breastfeeding - Somali


Breastfeeding Information in Somali

  1. Faa'iidoyinka Nuujinta Illmaha
  2. Waxa aad la kulmi doontid Usbuucyada ugu Horeeya
  3. Ilmaha Caano nuuga ah

Nuujintu waa sida ugu fiican, habka ugu kobcinta wanaagsan ee ilmaha hada dhasahay loogu quudiyo - waa shey khaas ah oo aad ilmahaaga iyo adigaba aad isu sameyn kartaan.

Nuujintu aad ayey ugu fiican tahay ilmahaaga

  • Caanaha naaska waxaa ku jira wax kasta ee uu ilmahaagu u baahan yahay si uu u koro una noqdo mid caafimaad qaba.
  • Caanaha naaska si fudud ayey u dheefshiidmaan. Saxarada ilmahaaga ka timaada waxay noqoneysaa mid jilicsan oo uu si fudud isaga soo saari karo.
  • Caanaha naaska waxay ilmaha ka difaacaan infakshanka dhegaha gala, hargabka, xasaasiyada/alerjiga, shubanka iyo saxarada oo ku dhegta. Ilmahaagu jiradiisa ma badan doonto mana u baahan doontid marar badan in aad dhakhtar u geysid.
  • Caanaha naaska waxay illmaha ka caawiyaan araga indhaha iyo koriinshaha maskaxda.
  • Ilmaha naaska la nuujiyo uma badna in uu sokoroow ku dhaco ama ay aad u buurtaan marka ay weynaadaan.
  • Nuujintu aad eyey ugu fiican tahay is jeceylka hooyada-iyo-ilmaha u dhexeeya.

Nuujintu wey u fiican tahay hooyooyinka

  • Ilmuhu si udgoon ayuu u carfaa deybarkooduna aad uma uro.
  • Nuujintu waqti ayey kuu badbaadisaa. Dhalooyin wasakh ah oo aad habeenkii nadiifineysid ma jiraan, qof walbana si fiican ayuu habeenkii u seexdaa.
  • Nuujintu waxay kaa caawineysaa in aad miisaankaaga hoos u dhigtid.
  • Nuujintu waxay hoos u dhigtaa khatarta ay kugula dhici karaan kansarka naasaha iyo ugxan sidaha (ovarian cancer), cudur lafuhu ay awood yareeyaan si sahlanna ay u jabaan (osteoporosis), sokoroow iyo cudurada wadnaha.
  • Dumarku waa ay ka helaan/ku raaxeystaan nuujinta. Hoormoono uu jirkaagu sameeyo marka aad nuujineysid ayaa kaa caawinaya in aad istareex/naxariis dareentid kuna dareensiiya kalgacal ilmahaaga xagiisa ah.
  • Safar la aadidda ilmaha la nuujiyo waa ay sahlan tahay. Deybarka kaliya ayaad u soo qaadeysaa waana aad soconeysaa!
  • Nuujintu lacag ayey kuu badbaadisaa (kharash kaaga baxayo caanaha budada ah ama masaasado ma jiro, biilasha dhakhtarka oo kaa yaraada iyo lacagta daawooyinka oo kaa yaraada).
  • Hooyooyinka WIC da ku jira waxay heli karaan raashin dheeraad ah sanadka hore ee ay nuujinayaan.

Nuujintu qoyskaaga waa ay fiican tahay

  • Qoysaska ay hooyadu ilmaha nuujiso waa qoysas farxsan maadaama ay ogyihiin in ilmahoodu ay helayaan quudka ugu fiican ee ugu macquulsan.
  • Aabeyaasha iyo dadka kaleba waa muhiim. Waxay kuu sameyn karaan in ay:

• La hadlaan iyo in ay u heesaan ilmaha

• U qubeeyaan ilmaha

• Wax u aqriyaan ama ay sheekooyin u sheegaan

• Ilmaha socod u wadaan

• Ilmaha si diirran hab-u-siiyaan


Mudo intee la eg ayaan ilmo nuujinta sii wadaa? Adiga ayaa go'aankaas iska leh.

  • Mudo kasta ee aad nuujiso, inta ay doontaba ha la ekaatee waa ay u fiican tahay adiga iyo ilmahaagaba.
  • Waxaad nuujin kartaa inta aad doonto ee adiga iyo ilmahaaguba aad rabtaan. Adiga iyo ilmahaagaba faa'iido ayaad ka heli kartaan hadii aad sanad ka badan aad nuujiso.
  • American Academy of Pediatrics (Akadeemiyadda Caruurta ee Mareykanka) waxay ku talineysaa in ilmaha la naas nuujiyo sanad iyo wixii ka badan.
  • Marka aad mudo badan ilmaha nuujiso, nuujintu waa ay sii dhib yaraaneysaa.

Mar hore sii qorsheyso in aad ilmaha nuujin doonto.

  • U sheeg dhakhtarkaaga ama umulisadaada in aad dooneysid in aad ilmahaaga nuujiso isla markiiba marka aad ilmaha dhashid.
  • U sheeg kalkaalisooyinka caafimaadka in AYSAN marnaba ilmahaaga siinin jajeeto (pacifiers), biyo ama caanaha budada ah ee dhalooyinka lagu qaso.
  • Ilamaha qolkaaga ku heyso inta aad isbitaalka ku jirtid. Nuuji ilmaha marar badan iyo mar kasta ee uu ilmuhu rabitaan muujiyo.
  • Isku day in aad xiliga aad foosha iyo dhalida ku jirtid aad xanuunkaaga daawo la'aan martid (daawooyinku ilmaha saameyn ayey ku yeeshaan waxayna ka dhigaan kuwo hurdeysan marka la nuujinayo).

Nuujintu waa hadiyad khaas ah oo aad ilmahaaga adiga keliya aad siin kartid.