Cunno Siinta Ilmahaaga 1 1/2-Jirka ah

Cunno Siinta Ilmahaaga 1 1/2-Jirka ah

Feeding Your 1 1/2-Year-Old - Somali


MN WIC Program

  1. Cunno Siinta Ilmahaaga 1-Sano-Jirka ah
  2. Cunno Siinta Ilmahaaga 1 1/2-Jirka ah
  3. Waan oomanahay - Haraadsanahay!
  4. Miisaanka Caafimaad Qabka ah

Ilmahaadii "sida fiican cuntada u cuni jiray" miyaa isu bedelay "mid cunno diid ah"? Ilmahaagu uma korayo sidii degdegta ahayd ee uu sanadkii hore u korayey, sidaa darteed cunno badan uma qaadanayo sidii uu sanadkii hore oo kale cunnada u qaadanayey. Cunnada uu hal maalin jecel yahay ayey in uu dhinac isaga riixo maalinta xigta ay dhaci kartaa. Xiliyada cunnada qaarkood wax yar ayuu qaar ka cuni doonaa. Si aad ah ha uga wel-welin arintan; xiligan waa la dhaafi/gudbi doonaa!

Maxaad sameyn kartaa?

  • U keen ilmahaaga cunooyin kala duwan oo cunto caafimaad leh ah oo qeybaha cunnada oo dhan ay ku jiraan.
  • Cunooyinka qaarkood sida chips, doolshaha, buskudka adag, nacnacca, cabitaanada fudud iyo cabitaanka Kool-Aid ka ma ahan nooca cunooyinka u fiican ilmahaaga saan-qaadka ah inuu cuno maalin kasta.
  • Maalin kasta sii 3 waqti oo raashin caadi ah iyo 2 -3 jeer oo cuntooyin fudud oo dhexe oo aad qorsheysay ah. Caloosha ilmaha saan-qaadka ah waa ay yartahay. 2dii-3dii saacadood oo kasta in ay wax cunaan ayey u baahan yihiin.
  • Xiliga raashinka la cunayo ka dhig mid waqti farxad leh. Telefishanka demi.
  • Ilmahaaga cunnada la cun. Tusi/bar qaabka wanaagsan ee cunada loo cuno. Ilmahaagu fiirsashada uu ku fiirinayo ayuu wax kaaga baranyaa.
  • Masaasadda ka goo ilmahaaga hadii uu weli iyada wax ka cabo. Arintan si dhab ah ayey ilmahaaga uga caawin doontaa inuu si fiican wax ugu cuno. Isticmaal koob aan dabool lahayn.
  • Caano iyo cabitaan casiir ah oo badan oo ilmaha la siiyo caloosha ayey ka buuxiyaan mana cunaan cunooyin adag oo ku filan. Caruurtu markii ay da’daan jiraan maalintii waxay u baahdaan 2 koob oo caano ah kaliya. Cabitaanka casiirka ah ee aad ilmaha siineysidna ku koob 4 ounces iyo wixii ka wixiika yar maalintii.

Ilmahaaga shaqadiisu waxay tahay in uu go’aansado waxa in uu cuno uu rabo iyo inta uu ka cunayo.

U daa'ilmahaaga in uu cuno inta badan ama inta yar ee in uu cuno uu doonayo.


Ilmahaagu in uu kaligiis wax cuno ayuu jecel yahay!

  • Wuxuu rabi doonaa in uu gacmihiisa wax ku cuno.
  • In uu fargeetooyin iyo qaadooyin/malgacado yar-yar oo si sahlan loo isticmaali karo uu isticmaalo.
  • Isticmaal weel dhinacyo leh halkii aad ka isticmaali lahayd saxanno fidsan. Weelka dhinacyadiisa ayuu ilmuhu u isticmaali karaa si uu raashinka qaadada ugu soo qaato.
  • Wasakh badan inuu ilmuhu abuurayo ku tala gal. Xusuusnoow: Tababarka ayaa si fiican wax loogu bartaa.

Ka hortagga raashin ku margashada/saxashada

  • Fariisi ilmahaaga marka uu wax cunayo.
  • Ha siinin ilmahaaga waxyaalaha la cuno ee adag, ee goobaaban sida nacnaca adag, daangada, iyo canabka.
  • Waxyaalaha la cuno ee goobaaban u jarjar cadad yar-yar. Hot dog ga afar qaybood u kala jar dherer ahaan kadibna cadad yar-yar u sii kala jar. Canabka dhexda ka kala jar. Iniinta nuts ka si yar-yar u jar-jar. Karootada aanan la karinin si yar-yar u jar-jar ama si dhuudhuuban u jar-jar.
  • Looska/lowska la shiiday u dul mari buskutka adag (crackers) ama rootiga la kululeeyey (toast) dushooda si khafiif ah.

Hadii ilmahaagu caanaha in uu cabo diido, weli isku sii day!

  • Sidani wey dhacdaa marar badan. Waxaad isku daydaa in aadan si aad ah u welwelin. Qiyaastu sida ay tahay, ilamahaaga dib ayuu dhawaan caano cabidda ugu soo laaban doonaa.
  • Sii ilmahaaga waxyaalaha kale ee caanaha ka yimaada sida yogurt iyo farmaajo.
  • Booskii caanaha ha ugu bedelin cabitaan casiir ah ama cabitaano kale.

Caadayso caafimaadka nadiifinta ilkaha.

Nadiifi/u caday ilama ilkahooda maalintii laba jeer adiga oo isticmaalaya buraashka lagu cadeydo oo yar oo jilicsan. Baaritaanka ilkaha ugu horeeya ee ilmuhu waa in uu noqdaa markay hal sano jirsadaan. Waydii takhtarkaaga ilkaha marka ugu horaysa oo aad ilmahaaga takhtarka ilkaha u gaynayso.