Noqo qof U dooda Talaalka
Galka xogta Talaallada COVID-19 ee Shaqsiyaadka iyo Ururada
Ma doonaysaa inaad kor u qaado talaalka bulshadaada? Galkan xogta soo socota adaa laguugu talagalay! #RollUpYourSleevesMN

Qofka
Galkan xogta waxaa loogu talagalay dadka ama ururada, ku dhaqan Minnesota, kuwaas oo xiisaynaya inay bulshooyinkooda u helaan talaalka ka dhanka ah COVID-19. Tani waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xadidneyn:
- Carruurta/ardayda
- Maamulayaasha dugsiga/macalimiinta
- Dadka caanka ah ama dadka bulshada saamaynta ku leh
- Hogaamiyaasha diinta
- Adeeg bixiyaasha Caafimaadka gaarka ah
- Ganacsiyada, shirkadaha, iyo ururada
Ururka Kubada Cagta ee Karen
Summer Vaccines for Teens Karen Community (Talaallada Xagaaga ee Kurayda Bulshada Karen) (YouTube)
St Paul Saints
#RollUpYourSleevesMN (YouTube)
Rahi Patel, Mashruuca Haweenka Da'yarta ah
"Waxaan go'aansaday inaan u helo talaalka ayeeyday. Waxaan doortay inaan u helo dariskayga, barafasooradayda, dadka fasalka ila dhigta iyo bulshadayda. Ma aanan ahayn si gaar ah qof khatar wayn ugu jira caabuq daran. Laakiin waxaa igu xeernaa, ogaantay ama ogaal la'aantay, dad u nuglaa caabuqa. Wax fudud oo sida cirbad lagu mudo gacantayda markaan sameeyay, waxaan difaacaayay dadkaas."
Alexis Moracco, Ururka Dhalinta ee Minnesota
"Waxaan qaatay talaal si aan u xaqiijiyo inaan helo badqabka ugu macquulsan ee naftayda, qoyskayga, iyo bulshadayda laakiin sidoo kale inaan u dhawaado mustaqbal aan markale samayn karo nashaadaadka aan jeclahay inaan la sameeyo dadka aan jeclahay."
Nathan Moracco, Waalid
"Ka waalidiin ahaan waxaan iskudaynaa inaan ka difaacno ilmaheena khatarta.. Laga bilaabo usoo iibinta kursiga gaariga ilaa koofiyada amaanka baaskiilka ilaa casharada darawalnimada kahor intaanaan u dhiibin furaha gaariga. Ku dhiiri gelinta ilmahaaga inay istalaalaan ayaa ah waxa ugu fudud ee aad samayn karto si aad u difaacdo."
Ujeeddo
Galkan xogta waxay ka caawin kartaa dadka talaalka u ol-oleeya:
- Inay ku booriyaan dadka Minnesota inay istalaalaan
- Inay baraan xubnaha bulshada xogta talaallada COVID-19
- Inay ka jawaabaan su'aalaha iyo walaacyada guud
Sida loo bilaabo
- Adeegso fariimaha muhiimka ah ee ku jira TikTok, Snapchat, Instagram, Facebook, Twitter, iimeelka iyo baraha kale ee bulshada si ay kaaga caawiyaan la dagaalanka wararka beenta ah.
- Waafaji fariimaha muhiimka ah luuqada, dhawaqa, iyo qaabka ku haboon bulshooyinkaaga. Waad taqaanaa waxa waxtarka u leh bulshadaada.
- Ka codso ugu yaraan 3 qof uu bulshada kamid ah inay istalaalaan, kuna casuun inaad isla gashaan sawirka talaalka kadib ood gelinaysaan baraha bulshada.
- Daabac koobiyada agabka hoose una adeegso inaad qeybiso.
- Qabo oo/ama ku boori ururada bulshada ee lagu kalsoon yahay Inay qabtaan Munaasabada Talaallada COVID-19 ee Bulshada.
- Ku casuun qof talaalka ka hadla munaasabadaada bulshada ama urur adoo buuxinaaya Xog aruurinta Codsiga Hadal Jeediyaasha Talaalka COVID-19.
- La wadaag xogta ku qoran Iskuduwayaasha Bulshada ee COVID-19 ururkaaga. Iskuduwayaasha Bulshada ee COVID-19 waxay taageeraan dadka reer Minnesota ee u baahan xogta COVID-19 ee gaarka u ah bulshooyinkooda, ayna ku jiraan luuqadooda iyo baahiyahooda naafada.
Tusaha Galka xogta
Waafaji ilaha hoose ee xogta dhagaystayaashaada kaladuwan.
- Fariimaha Muhiimka ah ee Talaalka COVID-19 (PDF)
- Talaalka COVID-19 Aasaasiyaadka (PDF)
- Xaqiiqooyinka Tallaalka COVID-19 (PDF)
- Sixitaanka Fikradaha Khaldan ee ku aadan Talaallada COVID-19 (PDF)
- Talaalka Johnson & Johnson COVID-19: Waxa ay tahay inaad Ogaato (PDF)
- Sida Tallaalada mRNA COVID-19 u Shaqeeyaan (PDF)
- Helitaanka Talaalka COVID-19 (PDF)
- Sababaha ugu weyn ee ah inaad qaadato tallaalka COVID-19! (PDF)
- Ka difaac ilmahaaga COVID-19 (PDF)
- Sida aad Cunugaaga uga Talaallayso COVID-19 (PDF)
- Qorshee Talaalka COVID-19 ee Cunugaaga (PDF)
- Sida aad u qabanayso cunugaaga marka la talaalaayo (PDF)
- Tallaalka COVID-19 Ee Loogu Talagalay Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka ah Leh ama Naafada ah (PDF)
- Tallaalada COVID-19 iyo Uurka (PDF)
- Miyaad lumisay Kaarkaaga Talaalka? (PDF)
- Iska Ilaali Tuugada Talaalka COVID-19 (PDF)
- Sida Daawooyinka Tallaalka COVID-19 Loo Sameeyay (PDF)
Talaallada COVID-19: Waxa ay tahay inay ogaadaan kuraydu (PDF)
Qoraalka Su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee ku Saabsan Sida Talaallada COVID-19 loo Sameeyo (PDF)
Qoraalka Muhiimada Qaadashada Kuuradaada Labaad ee Tallaalka COVID-19 (PDF)
Waa maxay cirbadaha Xoojinta waxtarka talaalka COVID-19? Qoraalka (PDF)
Tallaalka COVID-19: Qoraalka Waxaad filan karto (PDF)
Waxa Aad Filanayso: Qoraalka Helitaanka Xarumaha Talaalka ee Gobalka Minnesota (PDF)
- Talaallada COVID-19
- Vaccines.gov
- Waydii dhakhtarka caafimaadka ee deegaanaaga ama farmashiilaha
U adeegso sanbalkaan fariimaha baraha bulshada si ay kaaga caawiyaan la wadaagista xogta talaallada COVID-19 saaxiibadaa, ehelkaaga, iyo xubnaha bulshadaada. U adeegso sawiradaada ama jaantusyada si aad u raaciso fariimaha hadaad doonto. Waxaad sidoo kale adeegsan kartaa sawiro aad kasoo qaadatay Sawirada Baraha Bulshada ee Badbaadada Minneosta (Stay Safe MN). Xogta Badbaadada Minnesota (Stay Safe MN) oo turjuman ayaa sidoo kale la heli karaa.
Boostiyada sambalka ah:
Maxaad u qaadanaysaa talaalka? Qofkee ayaad awgiis isku talaalaysaa? #RollUpYourSleevesMN
Anigga/Anagu waxaan taageeraynaa talaalka waaayo [geli fariinta shaqsiga ah]! mn.gov/vaccine #RollUpYourSleevesMn
Qaadashada talaalku waa qaabka ugu sugnaanta badan ee dadka Minnesota ugu laaban karaan dadka iyo hawlaha ay jecel yihiin! #RollUpYourSleevesMN
Xaqiiqada: Qofkasta oo jira 12 ama ka weyn oo ku dhaqan MN ayaa qaadan kara talaalka. Xaqiiqada: Talaallada waxaad ku helaysaa si bilaash ah. Xaqiiqada: Waxaa lagugu xariirin karaa talaalkaaga maanta. https://vaccineconnector.mn.gov/ #RollUpYourSleevesMn
Ma doonaysaa in ilmahaaga (12+) ugu raaxaystaan xagaaga si buuxda? Bax oo isla qaata talaalka! https://vaccineconnector.mn.gov #RollUpYourSleevesMN
Waan ognahay in dadku su'aalo badan ka qabaan talaallada COVID-19. Xog badan ka ogoow talaalka COVID-19 adoo galaaya www.health.state.mn.us/diseases/coronavirus/vaccine/basics.html #RollUpYourSleevesMN
Iska ilaali tuugada! Saraakiisha caafimaadka Dadwaynaha ama adeeg bixiyaasha daryeelka caafimaadku marna kaama codsan doonaan lacag, akoonkaaga baanka, kaarka daynta, ama lambarka ammaanga bulshada (social security number). Yaboohyada ah inay iibinayaan ama kuusoo dhiibayaan kuurooyinka talaalka ayaa sidoo kale ah tuugo. Haddii aad aaminsan tahay inaad tahay dhibanaha tuugada COVID-19, booqo www.ag.state.mn.us/Office/Forms/COVID19Complaint.asp #RollUpYourSleevesMN
Naqshadaha Facebook:
Haddii aad bar ku leedahay Facebook ga, waxaad ku dari kartaa fariin sawirka borofaylkaaga si aad uga caawiso dadka kugu taxan inay arkaan in lagu talaalay ama aad tahay u doodaha talaallada COVID-19.