Contact Info
Office of Medical Cannabis
651-201-5598
844-879-3381 (toll-free)
Xaaladaha Caafimaad ee u Qalma Xashiishada Caafimaadka
Bukaanka si sharci ahaan ah degan Minnesota oo keliya ee lagu xaqiijiyey mid ka mid ah shuruudaha ayaa xaq u leh in ay ku helaan xashiishada caafimaadka gudaha Minnesota.
Xaaladaha u qalma
- Cudurka Alzheimer's
- Amyotrophic lateral sclerosis (ALS)
- Cilladaha heerarka autism-ka (waa inuu waafaqaa DSM-5)
- Kansarka*
- Cilladaha dhaqdhaqaaqa ee daba dheeraada ama cilladaha vocal tic disorder
- Xanuunka dabadheeraada
- Cudurka Indhaha (Glaucoma)
- HIV/AIDS
- Cudurrada mindhicirka, oo uu ku jiro cudurka Crohn
- Cudurka mindhicirrada kacsan
- Xanuun aan la joojin karin
- Xanuunka waswaaska
- Obstructive sleep apnea
- Cudurka murugada dhibka ka dib (Post-traumatic stress disorder - PTSD)
- Suuxdinta, oo ay ku jiraan kuwa sifaha u ah qalalka
- Gariirka muruqyada oo daran oo joogto ah, oo ay ku jiraan kuwa astaanta u ah multiple sclerosis (MS)
- Cudurka Dhiiga Sickle Cell
- Xanuun aad u dhimanayso, oo cimrigaaga la filayaa uu ka yar yahay hal sano*
- Tourette syndrome
*Haddii cudurka ama daawayntaadu ay keenayso mid ama in ka badan oo ka mid ah kuwan soo socda: xanuun daran ama joogto ah; lalabo ama matag daran; ama dhuubasho ama caatoobid daran.