Contact Info
Tilmaamaha Halka lagu Isticmaalayo Xashiishada Caafimaadka
Bukaanka ka diiwaangashan Barnaamijka Xashiishadda Caafimaadka ee Minnesota waxay ku isticmaali karaan xashiishaddooda caafimaadka oo keliya gudaha xuduudaha gobolka Minnesota. Xashiishada Caafimaadka waxaa lagu isticmaali karaa meelaha gaarka loo leeyahay laakiin laguma cabbi karo ama vape- ahaan looguma cabbi karo meelaha caamka ah ee ay ka mamnuuc tahay in lagu cabo ama lagu isticamaalo vape-ka tubaakada ganacsiga. Waa sharci darro in bukaanku ay beertaan dhirtooda xashiishadda.
Daawada ashiishada caafimaadka lama isticmaali karo ama laguma qaadan karo:
- Baska ama van-ka iskuulka
- Deegaanka iskuulka kasta oo ka mid ah dugsiga xannaanada, dugsiga hoose, ama dugsiga sare
- Meelaha xarumaha asluubta
- Deegaanka xarun kasta oo daryeelka caruurta ama guriga daryeelka caruurta ah
- Deegaannada goobaha federaalka (sida maxkamadaha, xafiisyada boostada, garoomada diyaaradaha, iyo jardiinooyinka qaranka)
Lama oggola in ku cabitaanka vape-ka ama sigaar ahaan u cabbitaanka xashiishadda caafimaadka:
- meel kasta oo goobo dadweyne ah, oo ay ku jiraan gaadiidka dadweynaha, gudaha ama bannaanka meelaha ay isticmaalaan ama u furan dadweynaha guud ama goobta shaqada.
- Marka aad wadid baabuur, ama ku shaqaynayso mishiinada, iyo meel kasta oo uumiga uu neefsado ilmo aan qaangaadhin oo aan bukaan u ahayn ama meel uu qiiqa ku neefsan karo ilmo aan qaangaadhin.
Faahfaahin kale
Dadka ku nool guryaha abaartimentiga ah waa inay ka hubiyaan heshiiskooda kireysiga ama maamulaha hantida si ay u go'aamiyaan haddii ay jiraan xeerar mamnuucaya isticmaalka xashiishadda caafimaadka gudaha guryaha kirada gaarka ah. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dadka ku nool guryaha ay dawladda dhexe kabto.
Mamnuucida xashiishka ee federaalka darteed, Waaxda Guryeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Maraykanka (HUD) ma laha go'aamint ay u ogolaato dadka isticmaala marawaaada, oo ay ku jirto xashiishadda caafimaadku, barnaamijka guriyeynta dadweynaha. Codsadayaasha, haddii maamulka guriyeynta dadweynaha ama mulkiilaha gaarka ah ay go'aansadaan in xubin kasta oo qoyska ka mid ah uu yahay mid si sharci darro ah u isticmaala walaxda la kantaroolo (ay ku jirto xashiishadda caafimaadku), waxay kuu diidi doonaan aqbalaada guriga.
Hudheelka, mooteelada, ama kiraysiga xilliga aad aaddo fasaxa, weydii sharciyada kahor intaadan kiraysan meesha degitaankaaga.
Haddii bukaan diiwaangashan ay qabtaan sharci-fulinta isagoo ku isticmaalaya xashiishadda caafimaadka meel ay mamnuuc ka tahay, kama haystaan wax ilaalin ah sharciyada barnaamijka xashiishadda caafimaadka waxaana la marin ciqaabta dembiyada iyo kuwa madaniga ah.
Ku hay dawadaada weelkeeda asalka ahaa
Bukaanku waa in ay daawada xashiishadda caafimaadka ku hayaan weelkeedii asalka ahaa (calaamaddayntu waxa ay ku siinaysaa caddayn in aad tahay bukaan ka diiwaangashan barnaamijka).
Dawada ashiishadda caafimaadka waa in lagu hayaa meel ammaan ah, oo aasan gaaraynin carruurta iyo xayawaanka rabaayada ah. Xaaladaha degdega ah ee sunta, ka wac Minnesota Poison Control System 1-800-222-1222. Adeega waxa uu diyaar yahay 24 saac maalintii, 7 maalmood asbuucii.
Ilaha/Khayraadka