Contact Info
Sida dib la isugu Diiwaangeliyo Barnaamijka Xashiishada Caafimaadka
Bukaanka ka diiwaan gashan barnaamijka xashiishada caafimaadka ee Minnesota waa in ay dib isu diiwaan galiyaan sanad walba hadii ay rabaan in ay sii wataan ka qaybqaadashada barnaamijka.
Haddii akoonkaaga waxtigiisu dhamaado/dhaco mar dambe kama sii diiwaangashanaan doontid Barnaamijka laguumana ogolaan doono inaad soo qaadatoXashiishada Caafimaadka. Si lagaaga caawiyo inaad u diyaargarowdo inaad dib isudiiwaangeliso, waxaanu kuu soo diri doonaa emailo xusuusin ah 60 maalmood iyo 30 maalmood kahor intaysan dhicin diiwaangelintaadu. Waxa kale oo aad eegi kartaa akoonkaaga Diiwaanka si aad u aragto marka diwaangelintaadu dhacayso.
Waxa aad u baahan tahay inaad samayso si aad dib isugu diiwaangeliso
- Dhakhaatiirta daryeelka caafimaadku ha kuu shahaadeeyo/xaqiijiyo xaaladaada Diiwaanka Bukaanka Xashiishada Caafimaadka (booqashooyinkan waxaa qaban kara iyada oo kombiyuurka lagu xiriirayo (telemedicine)).
- Buuxi arjigaaga dib isudiiwaangelinta adiga oo adeegsanaya link-ga xaqiijinta ee laguu soo diri doono ka dib marka dib laguu xaqiijiyo.
- OGOOW: Khidmadda diiwaangalinta ee sanadlaha ah eel aga qaado bukaanka waa la joojiyey laga bilaabo bisha toddobaad1-deeda, 2023. Sababo la xiriira nidaamka gobolka, xafiiska Caafimaadka Xashiishada dib kuuma siin karo wixii khidmad oo aad bixisay ka hor taariikhdaan.
Arjigaaga isdiiwaangelinta waxa dib u eegi doona shaqaalaha xafiiska xashiishada caafimaadka. Tani waxay qaadan kartaa ilaa 30 maalmood, waxaadna naga heli doontaa email isla marka codsigaaga la aqbalo. Shaqaalaha Xafiiska Xashiishadda Caafimaadka ayaa kugula soo xiriiri kara email haddii aan u baahanahay macluumaad dheeri ah.
Faahfaahin kale
- Kordhinta diiwaangelinta ama xaqiijinta ma ogola sharciga gobolku.
- Si aad u aragto cidda xaqiijisay/shahaadaysay xaaladdaada caafimaadka sannadkii hore, gal akoonkaaga Diiwaanka oo ka hel macluumaadka dhakhtarkaaga caddaynta oo ku hoos jirta "Macluumaadka Shahaadaynta/Xaqiijinta." Haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo helida dhakhtar caafimaad oo ka qayb qaadanaya:
- Weydiiso kooxdaada caafimaadka ama kooxaha dadka u dooda ee kugu metelaya xaaladaada.
- Ka raadi intarneedka, oo ay ku jiraan websaydyada ay leeyihiin kuwa qaybiya xashiishada caafimaadka ee Minnesota (Green Goods iyo RISE).