COVID-19
- COVID-19 Home
- Situation Update
- About COVID-19
- Testing
- Sick or Test Positive
- Vaccine
- Close Contact or Exposure
- Protect Yourself & Others
- Medications
- Materials & Resources
- Guidance Library
- Stories of Community Outreach & Partnership
- Contact Us: COVID-19 Questions
Information for
- Health Care
- Congregate Settings & Care Facilities
- Businesses & Employers
- Schools & Child Care
- Institutions of Higher Education
Related Topics
Contact Info
Waji-xirka: KOFID-19
Waxaa la cusboonaysiiyey 6/2/2023
SARS-CoV-2, waa faraska sababa KOFID-19 wuxuuna faafaa marka neef ka timaada dhuun-mareenka lagu sii daayo hawada sida marka ay dadka neefsadaan, hadlaan, qufacaan, ama hindhisaan. . Maadaama uu qaabkaas u faafo, maaskaro in aad xidhato waxay kaa difaacaysaa caabuqa. Sidoo kale xidhashada maaskarada waxay difaacdaa faafitaanka caabuqa neefta lagu kala qaado sida hargabka.
Heerka Galida isbitaalka ee KOFID-19 iyo qiimeynta Shakhsiga ah
Hay’adda ka hortagga iyo faafitaanka cudurada (CDC) waxay adeegsataa heerka gelitaanka isbitaalka si ay u qiimayso halista degma kasta oo Mareekanka ah ay ugu sugantahay cudurkaan sida in uu hooseeyo, dhex-dhexaad yahay ama uu sareeyo. Heerka galitaanka isbitaalka waxaa la cusboonaysii usbuuc kasta. Kuwani waxay ka turjumayaan inta uu le’egyahay saameynta KOFID-19 ee caafimaadka iyo nidaamka daryeelka caafimaadka.
CDC waxay ku talinaysaa in heer kasta in loo adeegsado tallaabooyin looga hortago oo khaas u ah. Si aad u aragto heerka degmada ee uu cudurkaan ka joogo degmada iyo taxadarka loo baahanyahay in la sameeyo CDC: Heerka Degmada ee KOFID-19. Ogoow in isku gudbinta KOFID-19 ay ka dhacdo heerarka oo dhan. Heer hooseeya la mid maahan “khatar ma jirto.”
Dad badan oo ku sugan duruufo caafimaad oo gaar ah waxay halis ugu jiraan inay KOFID-19 ka qaadaan xanuuno khatar ah. Si aad u ogaato sababaha keeni kara in cudurkaan halis naftaada u galiyo, booqo halkaan CDC: Dadka Qaba Xalado Caafimaad Qaarkood.
Waxyaalaha la rabo qofka in uu tixgeliyo kolka uu go’aansanayo in uu xirto maaskaro waxaa ka mid ah heerka isbitaal gelida ee CDC u qoondaysay aagaaga halka uu marayo iyo in aaagaaga u uku suganyahay khatar saree e dhanka xanuunka ah, halista dadka kugu hareeraysan ay kuu keeni karaan iyo dookhaaga shakhsiga ah iyo sidaad ugu qanacsantahay xirashada maaskarada.
Goorta La xirto waji-xirka
Qeybtaan waxay sharaxaysaa talooyin ka yimid CDC ee ku saabsan xirashada waji-xirka iyada oo lagu salaynayo tallooyinka CDC ee quseeya heerka Galida isbitaalka ee degmadaada iyo halista uu adiga iyo kuwa kuu dhow uu u keeni karo. Waxaa kale oo ka mid ah tallooyin dheeraad ah oo kayimid kuwaas oo quseeya dadka jir-difaacooda uu liito ama kuwa halista ugu jira in uu cudurkaan ku dhaco. Wasaaradda Caafimaaka ee Minnesota waxay ku dhiiri galinaysaa dadka reer Minnesota inay raacaan tallaabooyinka la isaga ilaalinayo cudurkaan, sidoo kale dookh ayaad leedahay inaad xiratid waji-xirka haddii aad ku dareemaysid badqab iyadoo aadan u eegeen heerka Galida isbitaalka sida ay CDC u astaysay. Xidho maaskaro fiican oo leh (tayada ugu saraysa) kaad heli kartid, kaas oo si fiican kuu le’eg oo mar kasta xidho khaasatan haddii uu jir-difaacaaga uu liito ama aad khatar ku sugantahay in aad qaado xanuun uu sababay KOFID-19. Halkaan ka tix raac noocyada maaskarada iyo macluumaadka dheeriga ah.
Mar kasta qaado tallooyinka caafimaadka dadwaynaha ee quseeya xilliga la xidho maaskarada adiga oo aan u eegin heerka KOFID-19 uu degmadaada ka joogo sida ay astaysay CDC, haddii:
- Haddii aad leedahay calaamado ama baarista ay sheegtay inaad qabto cudurkaan. Warbixin dheeraad ah ilaa goorta la xiranayo waji-xirka iyo inta guriga la joogayo (karantiilka) halkaan eeg Haddii aad Jirantahay ama Natiijada ay Sheegto in aad Qabto: KOFID-19.
- Waxaad ka ag-dhawayd qof qaba KOFID-19. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan ilaa goorta la xirnaanayo waji-xirka iyo taxadarka loo baahanyahay, halkaan ka eeg macluumaad ku saabsan In aad u Dhawaato ama Xiriir Dhow la leedahay KOFID19.
Socdaalka wuxuu sababi karaa in aad la falgasho dad ka yimid meelo kala duwan iyada oo ay kala duwanyihiin heerarka KOFID-19 iyo cudurada ku dhaca neef-mareenka ee goobahaas. Waxaa laga yaabaa in aad ku dhexjirto dad badan iyo goobo uu liito nidaamka hawada. CDC waxay ku talinaysaa kolka aad safrayso in aad ka fakarto xirashada maaskarada khaasatan kolkaad dad badan ku dhexjirto ama aad joogto goobaha nidaamka hawadooda uu liito, sida gaadiidka dadwaynaha iyo xarumaha gaadiidka. Xarumaha gaadiidka waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha, tareenka iyo xarumaha basaska. Booqo halkaan CDC: Xirashada Maaskaro inta la Socdaalayo|Caafimaadka Socotada si aad u hesho macluumaad ku saabsan xilliga ugu muhiimsan ee maaskarada la xidho sida kolka la socdaalayo iyo kolka uu jir-difaaca qofka uu liito ama uu khatar ugu suganyahay xanuun halis ah.
Heerka Sare uu KOFID-19 Degmada ka Joogo sida ay u astaysay CDC
Haddii aad joogtid aag uu sareeyo heerka KOFID-19 ee degmada dhanka Galida isbitaalka waxaad xirata waji-xirka sida kolkaad joogto iskuulada iyo goobaha kale ee dadwaynaha adiga oo aadan u eegin xaaladda tallaalka iyo inay halis ugu jiraan cudurkaan iyo in uu horay ugu dhacay KOFID-19.
Sidoo kale, haddii uu liito jir-difaacaaga ama aad halis ugu jirtid xanuun KOFID-19 uu keenay, ka fakar inaad iska ilaalisid bannaanka inaad aadid haddii uusan muhiim kuu aheyn halkaas oo aad kasoo qaadi kartid KOOFID-19. Sidoo kale ka fakar inaad waydiiso daryeel-bixiyahaaga caafimaad talo si aad isaga ilaalisid cudurkaan.
Heerka dhexe iyo midka hoose ee KOFID-19 uu degmada ka jooga sida ay astaysay CDC
Marka heerka degmo ee KOFID-19 uu dhex-dhexaad yahay ama uu hooseeyo, go’aan qaadashadaada ku aadan waji-xirka waa inay ku salaysantahay arrimahaan:
- Heerka ay le’egtahay khatarta caafimaadkaaga
Haddii uu jir-difaacaaga uu liito ama khatar aad ku jirtid inaad la xanuunsato KOFID-19 ka fakar xirashada waji-xirka marka aad joogid goobaha bannaanka iyo kuwa gudaha ah xataa haddii tilmaanta CDC ee heerka degmo ay dhexdhexaad tahay. ama ay hoosayso. ka fakar xirashada waji-xirka xattaa haddii ay hoosayso heerka degmada. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato in aad waydiiso daryeele caafimaad talo ku aadan kolka waji-xidhka la xirto iyo taxadar ku saabsan KOFID-19. - Dadka kugu xeeran halista kaaga imaan karta
Haddii aad la nooshahay ama aad dhexgasho qof uu jir-difaaciisu liito ama khatar ugu jira inuu ku dhaco xanuun uu sababay KOFID-19 ka fakar inaad xirato waji-xirka markaad dadkaas la joogtid adigoo aadan eegin heerka degmada ee KOFID-19 sida ay u astaysay CDC. - Goobaha ay isugu yimaadaan dadka xaalad khatar ah ku sugan
Haddii aad tagto goobaha ay ku suganyihiin dad cudurkaan la xanuunsan ama xaalad khatar ah ku sugan xiro waji-xirka iyadoo aadan u eegin heerka degmo ee KOFID-19 sida ay u astaysay CDC, khaasatan haddii dadku ku badanyihiin. Goobaha loogu adeego dadka khatarta ugu jira cudurkaan waxay keeni karaan shuruudo iyo siyaasado quseeya waji-xirka si looga hortaggo faafitaanka KOFID-19 xataa haddii uu heerka cudurkaan uu dhex-dhexaad yahay ama uu hooseeyo. Wax ka baro qaabka loo haggaajiyo neefsashada, habka hawa qaadista iyo socodka hawada iyo kuwa kale oo badan halkaan ka eeg Tixgalinta Hawada Gudaha: KOFID-19 and CDC: Hawada Dhismayaasha. - Cudurada dilaaca
Hay’adaha caafimaadka dadwaynaha waxay ku talin karaan in adiga iyo dadka kula jooga ay xirtaan waji-xirka marka aad joogtaan goob uu ka dilaacay cudurka KOFID-19. - Xaaladda Tallaalka
Haddii aadan tallaalayn ama horay uusan KOFID-19 kuugu dhicin, ka fakar inaad xirato waji-xirka markaad joogtid goobaha dadwaynaha adigoo aadan eegin heerka uu degmada ka joogo cudurkaan. - Dookhaaga Qof ahaaneed
Waxaad dooran kartaa inaad wajiga xiratid waqti kasta taasna waa dookhaaga xataa haddii dadka kula jooga aysan wajiga xiran ama haddii heerka degmada ee KOFID-19 uu hooseeyo ama dhex-dhexaad yahay sida ay u astaysay hay’adda CDC.
Wixii faah-faahin dheeraad ah ee kusaabsan sida la isaga ilaaliyo cudurkaan, booqo halkaan Ilaali Naftaada iyo Dadka Kale: KOFID-19.
Fiiro gaah ah: Goobaha sida isbitaalada iyo xarumaha daryeelka muddada dheer waxay leeyihiin tallaabooyin iyo shuruudo gaar ah ee ku saabsan waji-xirka. Raac tallooyinka iyo shuruudaha goobta aad ku joogtid.
Sharciyada iyo siyaasadaha waji-xirashada
Goobaha qaar waxay yeelan karaan sharci heer federal, gobol ama meel ganacsi oo ku quseeya waji-xirka iyagoo aan tixgalin heerka bulsho uu KOFID-19 ka joogo. Tusaale:
- Goobaha caafimaadka sida daryeelka muddada dheer waxay yeelan karaan shuruudo iyo sharciyo hoos yimaada dawladda federaalka, mida gobolka iyo tan deegaanka.
- Dawladdaha hoose (sida magaalada, deegaanka iyo tuulada) waxay soo rogi karaan sharci quseeya waji-xirka waana in la raaco.
- Hay’adaha iyo ganacsiyada shaqaalahooda iyo macaamiishooda si sharciga waafaqsan ooga dalban karaan inay xirtaan waji-xirka.
Liiskaan kuma jiro macluumaad kasta ee quseeya waji-xirka. Isku day inaad fahanto sharciyada quseeya waji-xirka ee ka jira gobolkaaga iyo shaqadaada. Dadka aanan aqoon sharciga ha raadsadaan talo sharciga ku saabsan.
Noocyada waji-xirka
- Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota waxay ku talinaysaa inaad xiratid waji-xir tayo leh oo kaa ilaalin kara cudurka KOFID-19 sida Omricon. Noocyada tayada leh ee wajiga lagu xirto waxaa ka mid ah N95 iyo KN95 kuwaas oo awood u leh inay xannibaan dhibcaha neefta soo raaca. Waji-xirka loo isticmaalo qaliinka tayadiisa way saraysaa waana wax ku ool.
- Haddii aadan haysan waji-xir ay tayadiisu sarayso sida N95 iyo KN95 xiro waji-xir labo kab ka ah oo maro ka samaysan. Sidoo kale waxaad isku toli kartaa waji-xirka nooca la tuuro iyo maro si aad u xoojisid tayadiisa.
- Xirashada waji-xir tay leh waa muhiim aad joogtid goob khatar naftaada u galin kara xanuun uu sababy KOFID-19 ama jir-difaacaaga uu liito.
- Waxaad raadisaa waji-xirka nooca sanka daboolaya. Noocaas waxay yareen karaan daloolada si fiicana way kuu dabooli karaan.
- Iska ilaali inaad wajiga ku xirato waji-xir khafiif ah ama dabacsan oo laga tolay maro aan tayo laheyn sida kuwa qoorta lagu xirto.
- Waj-xirka nooca daloolka leh ama bannaan ma haboona inaad xiratid waayo wuxuu soo daynayaa neefta qofka ka imaata oo wadata dhibco. Waji-xirka qaabkaas u samaysan maahan mid badqab leh ee iska taxadar.
- Dadka qaar ma xiran karaan waji-xirka duruufo ay qabaan darteed sida dadka dhagaha la’ iyo kuwa uu yaryahay maqalkooda wayna ku adagtahay inay dadka la xiriiraan marka ay xirtaan waji-xirka. Fadlan tixraac halkaan In aad Hadasho adiga oo XIran Maaskaro, waxaad ka helaysaa macluumaad ay diyaarisay Waaxda qaabilsan dadka dhagaha la’ iyo kuwa qaba baahi xaga maqalka ah oo ku saabsan waji-xirka iyo qalabka caawiyaha maqalka.
- Wixii faah-faahin iyo talo ah oo ku saabsan noocyada waji-xirka, booq halkaan CDC: Noocyada Maaskarada iyo Neefsashada.
Habka loo xirto waji-xir
- Gacmaha iska dhaq ka hor intaadan gashan waji-xirka iyo kadib markaad iska bixisid.
- Waji-xirka waa inuusan ciriiri kugu ahayn aadna ku dareentid raaxo markaan xiranayso
- Caruurta jira 2 sasno iyo wixii ka wayn, u raadi waji-xir la eg oo loogu talo galay caruurta. Caruurta ka yar 2 sano ma habona inay xirtaan waji-xirka.
- Haddii aad xirantahay ookiyaale, raadso waji-xir si fiican kuu la eg oo daboolaya sankaaga si uusan kaaga xaddidin wax araga.
- Ha taaban waji-xirka marka aad aad xiranayso. Haddii aad taabato waji-xirkaaga si aad u hagaagsato taas macnaheedu waa si fiican kuma le eka waxaadna u baahantahay inaad raadsatid mid kale.
- Haddii aad xirato waji-xir maro laga samaayey dhaq mar kasta oo aad gashatid.
- Haddii aad dib u isticmaashid nooca N95 iyo KN95 waxaad galisaa boorsadaada. Ha dhaqin nooca N95 iyo KN95 markaad xirato kadib. Waxaad akhrisaa tilmaamaha iyo macluumaadka ku saabsan waji-xirka iyo goorta la iska badalo.
- Ha xiran waji-xir wasakh ah, la tuuray ama dilaacay.
Tixraac macluumaadka hoos ku qoran si aad wax ooga ogaatid qaabka ugu haboon ee loo xirto waji-xirka:
- Sidii aad ku xidhan laheyd maaskarada si amaan ah (PDF)
Waa meel loogu talo galay daabacaada iyo internetka inaad wax kasoo dagsato - Muuqalo loogu talagalay in ay ka jawaabaan KOFID-19
Qaabka ugu haboon ee loo xirto waji-xirka iyo waxyaabaha la sameeyo iyo kuwa aan la samayn ee la xiriira waji-xirka iyo guud ahaan KOFID-19. Waxaa ka mid ah qoraalo iyo luuqada kale - CDC: Maaskaro
- Xarunta u adeegta dadka qaba baahiyaha hadalka iyo dhagoolayaasha: Sida loo sameeyo maaskaro ay heli karaan dadka dhagaha la’
- Tixgalin ku aadan waji-xidhka (PDF)
Sida ugu Macquulsan ee loo caawin karo dadka qaba duruufaha gaarka ah
Sharciyada qaar baa qaba in ganacsiyada iyo hay’adaha ay raadiyaan qaab ay ku cawami karan dadka ku sugan duruufaha gaarka ah si ay ooga faa’iidaystaan adeegyada ay bixiyaan.
Hay’adaha iyo ganacsiyada waa inay ogaadaan:
Dadka curyaanka ah sida curyaanimo la xiriirta koriinka, baahi xagga hab-dhaqanka ku salaysan ama qaba xanuun dhanka dhimirka ah way ku adagtahay dadkaas inay xirtaan wajiga si badqab leh.
- Dadka ay ku adagtahay neefsashada, miyir daboolma ama aan awoodin inay iska bixiyaan waji-xirka iyaga oo aan la caawin, ma haboona inay xirtaan waji-xirka.
- Caruurta ka yar 2 sano ma haboona inay xirtaan waji-xirka.
- Xaalada qaar sida badqab maahan in wajiga la xirto sida (dabaasha iyo dhaq-dhaqaaqa marka uu qofka biyo ku dhex jiro).
Dadka reer Minnesota ee aan lixaadkooda qabin waxay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan nolol aan takoor laheyn. Sharciga Xuquuqul Insaanka ee Minnesota ee quseeya curyaamiinta wuxuu mamnuucayaa in dadka curyaanka la takooro marka ay joogaan goobaha dadwaynaha sida shaqada, iskuulka iyo goobaha kale. Haddii uusan lixaadkaaga dhamayn wajigana aadan xiran aadna aaminsantahay in laguugu tikooray curyaanimadaada darteed, u gudbi dacwadaada Waaxda Xuquuqul Aadanaha ee Minnesota: Soo Sheeg Takoorka ama wac teleefanka laga caawiyo dadka la tikooro 1-833-454-0148.