Skip to main content
Minnesota Department of Health logo
  • Main navigation

    • Home
    • Data, Statistics, and Legislation
    • Diseases and Conditions
    • Health Care Facilities, Providers, and Insurance
    • Healthy Communities, Environment, and Workplaces
    • Individual and Family Health
    • About Us
    • News and Announcements
    • Translated Materials

Main navigation mobile

  • Data, Statistics, and Legislation
  • Diseases and Conditions
  • Health Care Facilities, Providers, and Insurance
  • Healthy Communities, Environment, and Workplaces
  • Individual and Family Health
  • About Us
  • News and Announcements
  • Translated Materials
MDH Logo

Breadcrumb

  1. Home
  2. Diseases and Conditions
  3. Coronavirus Disease 2019 (COVID-19)
Topic Menu

COVID-19

  • COVID-19 Home
  • Situation Update
  • About COVID-19
  • Testing
  • Vaccine
  • Protect Yourself & Others
  • Medications
  • Materials & Resources
  • Stories of Community Outreach & Partnership

Information for

  • Health Care
  • Prisons, Detention Centers, & Homeless Service Sites
  • Schools & Child Care
  • Institutions of Higher Education

Related Topics

  • Long COVID
  • Health Equity and COVID-19
  • COVID-19 Contracts for Diverse Media Messaging & Community Outreach
  • Disabilities & Unique Health Needs During COVID-19
  • Infectious Respiratory Illness

COVID-19

  • COVID-19 Home
  • Situation Update
  • About COVID-19
  • Testing
  • Vaccine
  • Protect Yourself & Others
  • Medications
  • Materials & Resources
  • Stories of Community Outreach & Partnership

Information for

  • Health Care
  • Prisons, Detention Centers, & Homeless Service Sites
  • Schools & Child Care
  • Institutions of Higher Education

Related Topics

  • Long COVID
  • Health Equity and COVID-19
  • COVID-19 Contracts for Diverse Media Messaging & Community Outreach
  • Disabilities & Unique Health Needs During COVID-19
  • Infectious Respiratory Illness
Contact Info
Infectious Disease Epidemiology, Prevention and Control Division
IDEPC: 651-201-5414
IDEPC Comment Form

Contact Info

Infectious Disease Epidemiology, Prevention and Control Division
IDEPC: 651-201-5414
IDEPC Comment Form

COVID-19: Difaac Naftaada iyo dadka kale

Waxaa la cusboonaysiiyey 3/15/2024

Istiraatiijiyadaha aasaasiga ah ee ka hortagga
Istiraatiijiyadaha dheeraadka ah ee ka hortagga
Xilliyada muhiimka ah ee ka hortagga
     Xanuunsan, bogsanaya, ama soo gaadhay COVID-19
     Khatarta Sare ee Xanuunka Daran
     Xanuunka kordhaya ee bulshada
Deegaanka gaarka ah

Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (CDC) waxay ku talineysaa tallaabooyin muhiim ah oo lagu yareynayo fiditaanka fayruusyada neef-mareenka, kuwaas oo saameyn kara sankaaga, cunahaaga, iyo sambabadaada, sida COVID-19, hargabka (flu), and iyo fayruuska neef-mareenka syncytial (RSV), (CDC: Ka Hortagga Fayruusyada Neef-mareenka). Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH) waxay sidoo kale ku talineysaa tallaabooyinkan.

Boggan wuxuu bixiyaa macluumaad aasaasi ah oo ku saabsan waxaad samayn karto si aad u yarayso fiditaanka COVID-19 iyo fayruusyada kale ee neef-mareenka. Qaadashada tallaabooyinkan, oo loo yaqaan istiraatiijiyadaha ka hortagga, waxay naga caawin kartaa inaan nafteena, kuwa aan jecelnahay, iyo inaan helno bulshadeena caafimaad qabta.

Istiraatiijiyadaha aasaasiga ah ee ka hortagga

Tallaabooyin muhiim ah oo aad qaadi karto si aad naftaada iyo dadka kale uga ilaaliso fayruusyada sida COVID-19, hargabka, iyo RSV:

  • Talaalku wuxuu bixiyaa ilaalinta ugu fiican ee ka hortagga inaad si daran u xanuunsato COVID-19.
  • Nadaafadda la hagaajiyay waxay ka kooban tahay tallaabooyin fudud sida gacmaha dhaqidda iyo qufaca daboolida.
  • Hawada nadiifka ah: Talaabooyinka sida daaqadaha furashada ama kulamada dibadda lagu qabto waxay ka caawiyaan yareynta tirada fayruuska hawada ku jira.

Haddii aad xanuunsan tahay ama aad is leedahay waxaad noqon kartaa:

  • Guriga joog marka aad xanuunsan tahay oo ka taxaddar si aad uga hortagto fiditaanka.
  • Daaweynta: La hadal dhakhtarkaaga, qaado daawooyinka goor hore.

Tixraac: Xanuunsan, bogsanaya, ama soo gaadhay.

Waa la heli karaa Talaalada COVID-19 iyo cudurrada kale ee neef-mareenka sida hargabka (flu) iyo fayraska neef-mareenka syncytial (RSV). La hadal dhakhtarkaaga si aad u hubiso in ilaalinta talaalkaagu ay cusboonaysiisay.

  • Hayso talaalada ugu danbeeyay ee COVID-19 (CDC)
  • Talaalka: Aniga iyo Qoyskeyga

Istiraatiijiyadaha dheeraadka ah ee ka hortagga

Tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo Fayruusyada neef-mareenka oo lagu dari karo istiraatiijiyadaha aasaasiga ah ee kor ku xusan:

  • Xiro maaskaro
  • Ilaali kala fogaanta jirka
  • Baarista fayruusyada neef-mareenka

Hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida tallaabooyinkan ka hortagga cudurka aad ku darsan kartyo noloshaada, CDC: Ka Hortagga.

Xilliyada muhiimka ah ee ka hortagga

Dhammaan istiraatiijiyadaha ka hortagga waxay caawin karaan in la yareeyo khatarta inaad xanuunsato iyo fidinta cudurka. Ku darista (kabista) istiraatiijiyadaha ka hortagga dheeri ah waxay si gaar ah waxtar u yeelan karaan marka:

Xanuunsan, bogsanaya, ama soo gaadhay COVID-19

Haddii aad is dareento xanuun, guriga joog oo dadka kale ka fogow ilaa 24 saacadood kadib marka labada shay ee soo socda ay dhacaan:

  • Heerkuleelkaagu hoos u dhacay (iyada oo aan la isticmaalin daawooyinka dhimaya xumadda), iyo
  • Calaamadahaaga ayaa soo hagaagaya.

Kadib ku dar istiraatiijiyadaha dheeraadka ah ee ka hortagga (sida maaskarada, kala fogaanshaha, iyo baarista) 5-ta maalmood ee soo socda. Kala hadal dhakhtarkaaga isla markiiba daawooyinka kaa caawin kara inaad si degdeg ah u bogsato, gaar ahaan haddii aad ka tirsan tahay kooxaha khatarta sare leh.

Wixii hagitaan faahfaahsan iyo jadwal muujinaya inta aad guriga joogto karto iyadoo lagu saleynayo calaamadaha, bogga CDC: Ka Hortagga Fidinta Fayruusyada Neef-mareenka Marka Aad Xanuunsan tahay.

Khatarta Sare ee Xanuunka Daran

Haddii adiga, ama dadka kugu xeeran, aad leedahay Qodobbada Khatarta Sare ee Xanuunka Daran ee Fayruusyada Neef-mareenka (CDC), qaado taxaddarro dheeraad ah, oo ay ku jiraan istiraatiijiyadaha dheeraadka ah (maaskarada, kala fogaanshaha, iyo baarista), waxay ka caawin kartaa ka hortagga cudurka.

Kooxaha khatarta sare ugu jira in ay aad ugu xanuunsadaan Fayruusyada neef-mareenka:

  • Dadka waayeelka ah
  • Carruurta yar yar
  • Dadka habka difaaca jirkooda daciifka yahay (tusaale: qof maraya daaweynta kansarka qaarkood)
  • Dadka leh naafonimo
  • Dumarka uurka leh

Tallaabooyinka aad qaadi karto:

  • Ku dar (ku kab) istiraatiijiyadaha aasaasiga ah iyo kuwa dheeraadka ah ee ka hortagga si aad u hesho ilaalin dheeri ah.
  • La soco dhakhtarkaaga:
    • Waxaad ka faa’iidi kartaa talaal dheeraad ah oo la cusboonaysiiyay ee COVID-19, waxaana laguugu talin karaa talaalada kale.
    • Weydii haddii daawooyinka ka hortagga fayruuska ay kugu habboon yihiin.
  • Haddii aad leedahay habka difaaca jidhka oo daciif ah, waxaad u qalmi kartaa daaweynta unugyada monoclonal antibody si looga hortago COVID-19 marka lagu daro talaalada COVID-19.
    • Booqo Daawooyinka COVID-19 wixii faahfaahin dheeraad ah.

Xanuunka kordhaya ee bulshada

Fayruusyada neef-mareenka waxay ku faafaan isu gudbin qof ilaa qof. Marka dad badan ay xanuunsan yihiin bulshadiina, waxaad khatar sare ugu jirtaa inaad xanuunsato adiga laftaada. CDC iyo MDH labadoodaba waxay bixiyaan qalab si ay kaaga caawiyaan inaad la socoto heerka Fayruusyada neef-mareenka ee faafaya bulshadiina. Isticmaal macluumaadkan, oo ay weheliyaan aqoontaada ku saabsan wax kasta oo khatar caafimaad ah oo adiga, qoyskaaga, iyo dadka kugu xeeran ay leeyihiin, si aad u go'aamiso marka ay muhiim noqon karto inaad ku dartid istiraatiijiyado dheeraad ah oo ka hortagga.

  • Dib u eeg Warbixinta Xaaladda ee COVID-19 ee Minnesota.
  • Isticmaal qalabka "Maxaa ka dhacaya meelaha kugu dhow" ee CDC si aad u barato heerarka Fayruusyada neef-mareenka ee aaggaaga iyo waxa aad samayn karto si aad naftaada iyo dadka kale uga ilaaliso: Protect yourself and others from Flu, COVID-19, and RSV.
  • CDC: Faahfaahinta Fayruuska Neef-mareenka ee Toddobaadlaha
  • Xanuunka Fayruusska Neef-mareenka ee Minnesota

Deegaanka gaarka ah

Marka kooxo dad ah ay wada noolaadaan ama waqti badan ay isku dhow yihiin, waxaa jirta fursad badan oo Fayruusyada neef-mareenka ay ku faafaan. Deegaanno sida xarumaha daryeelka muddada dheer iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ayaa sidaas darteed yeelan kara hagitaan ka duwan waxa loo soo jeediyay guud ahaan bulshada. Hagitaanku sidoo kale wuu ka duwanaan karaa sababtoo ah dadkan waxay leeyihiin dad badan oo khatar sare ugu jira xanuunka daran. Xiriiriyeyaasha hoose waxay bixiyaan macluumaad waxtar leh oo ka caawin kara go'aan qaadashadooda:

  • Hagitaanada CDC ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka: Hagitaan ku-meel-gaar ah oo ku saabsan maaraynta shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee qaba infekshanka SARS-CoV-2 ama soo-gaarista SARS-CoV-2.
  • Hagitaanka deegaannada daryeelka caafimaadka, CDC: Infection Control Guidance: SARS-CoV-2.
  • Deegaannada koox ay ku nooshahay iyo xarumaha daryeelka, sida hoyga dadka aan guryaha lahayn ama xarumaha dib-u-habaynta, waxay tixraaci karaan Xabsiyada, Xarumaha Xabsiga, & Goobaha Adeegga Dadka Hoyla'aanta ah: COVID-19 wixii agab dheeraad ah.
  • Ganacsiyada, xarumaha, ama goobaha gaarka loo leeyahay waxaa lagu dhiirigelinayaa ugu yaraan inay raacaan hagitaanada MDH iyo CDC. Waxay sidoo kale dooran karaan inay dalbadaan mudada guriga lagu nagaado ee dheer ama mudada dheer ee xirashada maaskaro ka dib marka lala kulmo qof qaba COVID-19.
Tags
  • coronavirus
Last Updated: 11/26/2024

Get email updates


Minnesota Department of Health logo

Privacy Policy
Equal Opportunity
Translated Materials
Feedback Form
About MDH
Minnesota.gov
  • Facebook
  • Twitter
  • Linked In
  • Instagram
  • Youtube
Minnesota Department of Health Minnesota Department of health print search share facebook instagram linkedin twitter youtube